Dagaal khasaare kala duwan geystay oo ka dhacay degaanka Qooqaani

Dagaal culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay deqaanka Qooqaani oo ku dhow xadka gobolka Jubada hoose uu la wadaago dalka Kenya.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa bilowday markii xoogaga hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerareen saldhig ay degaankaas ku leeyihiin ciidamada Kenya.

Waxaa dagaalka la isku adeegsaday hub aad u culus culus iyo qaryaha darandooriga u u dhaca, isagoo socday muddo saacado ah.

Wararka ayaa sheegaya in xoogaga Al-shabaab uu ujeedkoodu ahaa iney cagta mariyaan saldhiga ayna laayaan ciidamada ku sugan balse aysan taasi dhicin markii ay iska caabin xoogan kala kulmeen ciidamada Kenya ee saldhigaas degenaa.

Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkan kaasoo aan illaa hadda tirakoob sax ah laga heynin, waxaana gelinkii dambe ee maanta degenaa xaalada degaanka Qooqaani.

Ciidamada kenya kama hadlin weerarkan balse Al-shabaab ayaa war qoraal ah oo ay barahooda Internet-ka ku qoreen waxay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Qooqaani, inkastoo aysan faahfaahin kale bixin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -