Ciidamada Booliiska oo Muqdisho ku qabtay Shan nin oo maanta kufsi wadareed geestay

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir , gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhigga degmada Xamarweyne ayaa gacanta kusoo dhigay shan nin oo lagu eedeeyay in maanta kufsi u geestay gabar dhallinyaro ah.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in raggan gacanta lagu dhigay xilli ay kufsadeen gabar, waxaana la sheegay in falkan uu ka dhacay dhismo jajaban oo kuyaalla waaxda Horseed ee degmada Xamarweyne.

Booliiska ayaa sheegay in raggan eedeysanayaasha ah lagu hayo saldhigga degmada Xamarweyne, waxa ayna xuseen marka baarista kiiskan soo dhammaado in raggan caddaaladda la horgeyn doono.

Falkan kufsiga ah ee maanta ka dhacay degmada Xamarweyne ayaana dad badan aad uga argagaxeen, waxaana ragga kufsiga geestay qaarkood la sheegay in ay ahaayeen rag xaaslayaal ah oo la yaqaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -