Hadal ay jeedisay Madaxweyne Saamiya Xasan oo Caro badan iyo hadal heyn abuuray

Madaxweynaha dalka Tanzaaniya Saamiya Suluhu Hassan, ayaa hadal ay jeedisay ay wax uga sheegeesay haweenka dalkaasi ee kubada cagta ciyaara ayaa gudaha dalkaasi ka abuuray caro iyo hadal heyn aad u badan.

Saamiya ayaa sheegtay in haweenka kubada cagta ciyaara ee u dhashay dalkaasi ay u muuqaal ekaadeen raga oo kale, waxa ayna xustay in ay noqdeen kuwa leh xabad fidsan oon laheyn wax horaado ah.

Waxa ay sheegtay Madaxweynaha in dumarka kubadda cagta ciyaara ay farxad badan iyo magac usoo jiidaan dalalka Bariga Afrika, koobab badanna kusoo guuleystaan, balse qaarkood aysan heli karin fursadda guurka qaabka ay u ekaadeen dartiis.

“Haddii aan halkan isugu keenno oo aan saf gelinno, kuwa xabadkooda uu masaxan yahay waxaad moodeysaa inayba rag yihiin – dumar ma moodeysid sida ay u ekaadeen darteed,” ayay tiri Madaxweyne Saamiya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegtay in ay jiraan dumar kubada cagta ciyaara oo la guursaday balse intooda badan aysan helin fursad guur , waxa ayna sabab uga dhigtay guur la’aantaasi muuqaalkooda is bedelay.

Hadalkan ay jeedisay Madaxweynaha Tanzaaniya ayaa hadal heyn badan abuuray, waxaana siyaabo kala duwan oo caro ay ku jirto uga falceliyay siyaasiyiin dumar ah iyo qaar kale oo ciyaaraha kala duwan ku lug ah kuwaa oo meesha ka saaray hadalka madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -