Saud al-Mojeb oo kiiska dilka Wariye Jamal Khashoggi u tagay Turkiga

Waxaa xalay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga gaaray xeer ilaaliyaha guud ee Boqortooyada Sacuusiga Saud al-Mojeb, waxa uuna dalkaasi u tagay baaritaanka kiiska dilka Wariye Jamal Khashoggi oo lagu dhax dilay Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul.

Xafiiska xeer ilaalinta Turkiga ayaa lagu wadaa in ay ku wareejiyaan Xeer ilaaliha Guud ee Qaranka Sacuudiga cadeemaha baaritaanadii ay ku sameeyeen dilka Wariye Jamal Khashoggi.

Baarayaasha Turkiga ee loo xil saaray kiiska Wariye Jamal Khashoggi ayaa ku eedeeyay Sacuudiga in aysan ka helin wada shaqeyn buuxda, waxa ayna sheegeen baarayaasha Turkiga in Sacuudiga hor istaagay in la baaro goobo muhiim u ahaa baaritaankooda.

Waxa ay sidoo kale sheegeen baarayaasha Turkiga in loo diiday in ay baaraan sadex qol oo kamid ah xarunta Qunsuliyada oo ah goobta dilka ka dhacay oo weli xiran, waxaa sidoo kale kooxda baaritaanka Turkida loo diiday inay baaraan ceel-biyo oo ku dhex yaal guriga uu deganaa Qunsulka, ceelkaasi oo dherarkiisa yahay 20 mitir.

Baarayaasha Turkiga ayaa la filayaa in maanta gacanta ka saaraan xeer Ilaaliyaha Qaranka Sacuudiga warbixinta hordhaca ah ee baaritaanka Booliiska Turkiga oo la sheegay inay ka kooban tahay 150-bog.

Dowlada Sacuudiga ayaa qiratay in dilka Jamal Khashoggi si khaldan uga dhax dhacay Qunsuliyada Sacuudiga, waxaana wali lagu guuleesan in la helo halka la geeyay meydka Wariye Jamal Khashoggi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -