Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Difaaca oo arrimo muhiim ah kala hadlay Raisedon Zenenga

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumadda Soomaaliya,  Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay ku xigeenka Ergeyga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya mudane Raisedon Zenenga.

Wasiirka iyo Raisedon Zenenga ayaa kulanka ay yeesheen uga wada hadlay xoojinta wada shaqaynta iyo tageerada mustaqbalka ee ciidanka xoogga Dalka, kaddib bixitaanka ciidamada ATMIS iyo sanduuqa taageerada Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaana ku xigeenka Ergeyga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya warbixin ka siiyay hormarada ay ciidanka xoogga dalka ka gaareen dagaalka ka dhan ah Al Shabaab, waxa uu sidoo kale u sheegay in ciidanka qalabka sida diyaar u yihiin la wareegida amniga dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaana dooneysa in dalka laga saaro ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya laguna wareejiyo amniga ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, Qaramada Midoobay ayaana taageerta ciidanka ATMIS ee howlgalka nabad ilaalinta dalka hadda u jooga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mucaaradka oo isku khilaafay kulamo ka dhacay Muqdisho & Farmaajo oo..

admin

Lugatoor oo xariga ka jaray sheybaar ku cusub Puntland

Caydiid Ali

Ciidamo ka howlgalla Soomaaliya oo abaalmarin la siiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---