Ciidamada Tigrey oo soo riday Diyaarad dagaal iyo Duuliyihii waday oo nolosha lagu qabtay

Ciidamada Tigreyga ee daacada u ah Ururka TPLF ayaa soo riday diyaarad dagaal oo leeyihiin ciidamada federaalka Itoobiya, diyaaradan ayaana duqeyn ka fulineysay goobo ay joogaan xoogaga Tigrey.

Hogaamiyaha maamulka Tigrey Debretsion Gebremichae, ayaa Wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in ciidamada Tigrey soo rideen diyaarad dagaal sidoo kale nolosha ku qabteen duuliyihii diyaaradaasi waday.

Debretsion Gebremichae, ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada daacada u ah dib ula wareegeen magaalada Aksum oo muhiim u ah maamulkiisa, magaaladan ayaana dhawaan la wareegeen ciidamada federaalka ee Itoobiya.

Hogaamiyaha Tigrey ayaa sidoo kale sheegay in uusan dhamaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada federaalka Itoobiya, waxa uuna cadeeyay in ay bilaabayaan dagaalo jabhadeyn waji cusub ah ay uga soo horjeedaan ciidamada federaalka.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in lasoo gabo gabeeyay wajiga hore ee dagaalka ay kula jireen ururka TPLF, kadib markii ciidamada federaalka la wareegeen magaalada Makelle ee caasimada gobolka Tigrey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -