Dowlada oo Mamnuucaday in dalka la keeno waxyaabaha Maanka dooriya sida Taabuuka

Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka laga mamnuucay in lasoo galiyo waxyaabaha maanka dooriya sida Taabuuka oo dhibaato xoogan ku haya dhalinyarada soo koreysa.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ay go’aansadeen in la mamnuuco in ganacsi ahaan dalka loo keeno waxyaabaha maanka Dooriyada sida Khamriga, Taabuuka iyo waxyaabaha kale ee maanka dooriya.

Waxa uu sheegay Wasiirka in waxyaabahan maanka dooriya dhibaato xoogan ku hayaan bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay Tabuuka iyo maandooroyaasha kale in laga qaado cuduro xun.

Dhalinyarada isticmaasha waxyaabaha maanka dooriya sida Tubaakada loo yaqaabo Taabuuka ayaa dalka kusoo kordhay, waxa ayna balwadahan keeneen in ay dhalinyaradu noqdaan kuwa aan waxbaran oo ku biira kooxaha burcada.

Bulshada Soomaaliyeed badankood ayaa aad ugu faraxsan in dalka laga mamnuuco waxyaabaha maanka dooriya, hasa ahaatee waxaa la isweediinayaa awooda dowlada u leedahay dhaqan galinta amarada ay soo saarto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -