Qarax xoogan oo la eegtay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Al Shabaab oo sheegtay in ay dileen …

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax xoogan oo wadada dhinaceeda lagu aasay lala eegtay kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay deegaanka Ceel Gaal oo qiyaastii 15-km u jira magaalada Baladweyne.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in ay maqleen jugta qarax xoogan oo lala eegtay kolonyo ay wateen ciidamada Itoobiya, waxa ay sidoo kale dadka deegaanka sheegeen in ay arkeen gaadiidka ciidanka oo qiiq ka baxaya.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro ciidamada Itoobiya kasoo gaaray qaraxa lala eegtay, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM ee katirsan yihiin ciidankan la qarxiyay.

Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan lala eegtay ciidamada Itoobiya, waxa ayna Shabaab sheegeen in qaraxa dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray ilaa 30-askari.

Al Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa uu haleelay uuna bur buriyay gaari uural ah ay wateen ciidamada Itoobiya oo xiligaasi marayay wadada deegaanka Ceel Gaal, waxa ayna Shabaab sheegeen ciidamada la qarxiyay in ay kusii jeedeen gudaha Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -