Allbanaadir.com
NEWS

Shiikh Muuse cadde oo geeriyooday & Xassan Shiikh oo ka hadlay

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida, Alle ha u naxariistee, Sheekh Muuse Nuur “Sheekh Muuse Cadde” oo ka mid ah culimmada Soomaaliyeed.

Shiikha ayaa ku geeriyooday caawa magaalada Rotterdam ee dalka Holland

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka Sheekhu uu ku lahaa wax-barista, wacdiga, waaninta iyo faafinta cilmiga shareecada ee geyiga Soomaaliyeed, isagoo xusay dhaqammadii wanaagsanaa ee uu ku tilmaamnaa Marxuumku.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa Alle uga rajeeyey Sheekh Muuse Cadde in uu hooygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qaraabada, culumaa’uddiinka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uuka baxay.

Related posts

Maxaa fashiliyey weerarkii maanta Al-Shabaab ku qaadeen Villa Somalia? (Xog Muhiim ah)

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay heshiiska ay la gashay C/rashiid Janan

Caydiid Ali

Haween u dhashay dalka Turkiga oo xukun dil ah lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---