Shirka Wadatashiga Ururada Bulshada ee Qabyo qoraalka Sharciga Doorashada oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta oo maamihii ugu dambeeyay waday wadatashiyo ku aadan dhamaystirka Qabyo qoraalka sharciga doorshada dalka oo muhiim u Ah doorashada dalka ka dhici doonta 2020 doorashadaas oo la rajeyn doono in ay noqoto mid Qof iyo Cod ah.

Wasaaradda ayaa latashiyo la soo samaysay dhamaan hay’adaha dowlada oo ay quseyso  shariciga doorasha sidoo kale wasaaradda ayaa samaysay kulamo wadatashi ah oo ay la yeelatay dhamaan Xisbiyadda siyaasadeed iyo ururada siyaasadeed ee ka jira dalka wadatashiyadaas oo socday mudo labo maalmood ah.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 29 Oct 2018 ayaa waxaa furmay shirka wadatashiga ururada bulshada ee Qabyo qoraalka Sharciga Doorashada oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan ururada bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa furay shirka wadatashiga ururada bulshada ee Qabyo qoraalka Shaciga Doorashada asagoona ka hadlay muhiimada ay u leeyihiin ururada bulshada sharciga doorashada, Shirkan oo ay muhiimadiisu tahay sidii loogala tashan lahaa sharciga doorashada dhamaan ururada bulshada qeybna ay uga noqon lahaayeen samaynta sharcigan.

Dhamaan kasoo qeyb galayaasha ayaa loo qeybiyay qabya qoraalka sharciga doorashada sidii ay u aqrin lahaayeen kadib na ay u soo gudbin lahaayeen talooyinkooda ku aadan sharciga doorashooda.

Sidoo kale ururada bulshada ee ka soo qeybgalay shirka ayaa su’aalo weydiiyay quburadii ka soo shaqeeyay Qabyo Qoraalka sharciga doorashada. Ugu dambeytii sharciga doorashada ayaa la rabaa in lasoo gabagabeeyo dhamaadka sanadka 2018

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -