Ciidamada dowlada oo caawa howgalo qorsheysan ka wada degmo ka tirsan Muqdisho

Ciidamada dowlada oo caawa howlgal balaaran ka wada degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya Ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, waxaana uu  saameeyey Xaafadaha suuqa Xoolaha, Waxara-cadde, SOS iyo meelo kale oo ka tirsan degmada Heliwaa.

Ciidamada ayaa ku faafay jidadka xaafadaha dhexdooda iyagoo guri guri u baarayay dhismeyayaasha ku yaalla xaafadahaas.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada dowladu ay howlgaladan ku soo qabqabteen dhalinyaro ka tirsan degaanka oo la tuhunsan yahay iney ku jiraan xubno ka tirsan Al-shabaab.

Dhalinyarada howlgalkan lagu soo qabqabtay ayey wararku sheegayaan in la kala saarayo, iyadoo kuwa tuhunka dhabta ah laga qabo la xirayo halka kuwa kale la iska sii deynayo.

Xaafadaha suuqa xoolaha, iyo meelo kale oo ka tirsan degmada Heliwaa ayaa waxaa la rumeysan yahay iney gabaad ka dhigtaan dagaalyahano taabacsan Al-Shabaab oo qaraxyo iyo weeraro kale oo dhuumaaleysi ah fuliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -