Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Oo Muqdisho Ku Doortay Hoggaan Cusub(Sawiro)

Kulan ay boqolaal haweenka Soomaaliyeed ka tirsan ay ku yeesheen Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa loogu doortay guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Drs: Ayaan Cabdullahi Axmed iyadoo badalaysa Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo horey u aheyd  Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka.
Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka oo aay isku soo sharaxeen Marwo Caasho Cumar Geesdiir  oo horey usoo noqotay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka iyo Drs: Ayaan Cabdullahi Axmed Afrax  ayaa ugu danbeyn xilkaasi waxaa loo doortay Drs: Ayaan kadib markii aay tanaasushay Marwo Caasho Geesdiir oo tartanka isaga hartay.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu doortay Gudoomiye Ku xigeenka Ururka Haweenka Qaranka oo loo doortay Drs: Sayruuq Maxamed Cali oo aay Gudoomiye ku xigeenka ku tartameen Ikhyaar Maxamuud Warsame iyo khadra Maxamed Cabduqadir.
Haweenkii halkaasi ka hadlay ayaa si wadajir ah usoo dhoweeyay Gudoomiyaha Cusub ee Ururka Haweenka Qaranka oo aay maanta ku doorteen Magaalada Muqdisho Drs: Ayaan Cabdullahi Axmed iyaga oo ugu baaqay in aay ka shaqeeyso midnimada iyo Hurumarinta Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.
Gaba gabadii Kulanka ayaa waxaa soo xirtay guddoomiyaha la doortay, Drs: Ayaan Cabdullahi Axmed  iyadoo sheegtay inay codsanayso in mas’uuliyadda xoogga badan ee dusha laga saaray lala qaado, waxayna ballan ku qaaday inay har iyo habeen u istaagi doonto wax u qabashada haweenka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com
- Advertisement -