Allbanaadir.com
NEWS

RW ku-xigeenka booqday Khasaaraha roobabkii xalay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid ayaa kormeer ku tagey qaar kamid ah goobihii ay saameynta ku yeesheen roobabkii mahiigaanka ahaa ee xalay ilaa saakay ka da’ayey caasimadda.

Jibriil ayaa hoggaaminayey guddi ka kooban heer wasiirro, gobol iyo hey’adda SoDMA, kuwaasoo uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,

Goobaha ay kormeerka ku tageen guddiga oo ay kamid yihiin, Iskool Buluusiya, waddada isku xirta garoonka Aadan Cadde iyo KM4 iyo waddooyinka uu burburka soo gaaray, ayaa waxa ay u kuurgaleen baaxadda burburka, si looga jawaabo khasaaraha ka dhashay.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa sheegay in roobabku ay geysteen khasaarooyin kala duwan oo isugu jira naf iyo maal isla markaana uu saameyn xooggan ku yeeshay ganacsiga iyo isku socodka magaalada, isaga oo uga mahadceliyey hey’addihii gurmadka fidiyey ilaa xalay. Waxa uuna intaas ku daray in Xukuumadda DanQaran oo ay kaalinteeda ka qaadan doonto maareynta khasaaraha uu sababay roobka.

Related posts

Galmudug oo bandow ku soo rogtay degmo dhowaan laga saaray Al-Shabaab

Caydiid Ali

Xuutiyiinta oo soo riday Diyaarad Basaas oo dowladda Mareykanka leedahay

Cabdi Cade

Milkiilaha Maqaayad uu xalay ku shaah cabay Musharax Cirro oo xabsiga la dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---