Wasaaradda arrimaha Gudaha oo War xasaasi ah ka soo saartay doorashada Galmudug (Akhriso)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa War xasaasi ah ka soo saartay Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxda Dowlad Goboleedka khilaafku kala qeybiyey ee Galmudug.

Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in doorashada baarlamaanka iyo madaxda Galmudug lagu qabto waqtigii loogu talo galay, iyadoo la magacaabayo guddi madax bannaan oo daadihiya doorashada, waxaana loogu baaqay waxgaradka iyo odayaasha Galmudug inay isu yimaadeen oo khilaafka la soo afjaro.

Xukuumadda ayaa caddeysay in muddo xileedka Dastuuriga ah ee Madaxda Galmudug uu ku eg yahay 4-ta July 2019, waxayna soo jeedisay in si degdeg ah looga wada shaqeeyo qabsoomidda Doorashooyinka Galmudug si loo helo maamul mideysan oo la isku raacsan yahay.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -