Dabley hubeysan oo caawa dil iyo dhac ka geystay xaafad ka tirsan Muqdisho

Xaafadda Fagax oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Benaadir ayaa waxaa lagu dilay caawa wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inuu ka mid ahaa dhalinyarada ku shaqeysta Mootooyinka Bajaajta.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Marxuumka ay dileen rag burcad ahaa oo damacsanaa inay ka dhacaan Mootada uu watay, waxayna rasaas ku fureen Marxuumka ka dib markii uu diiday inuu wareejiyo mootada iyo furaheeda.

Wiilka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabduqaadir Goosaar ayey kooxihii hubeysnaa kaga tageen goobta ay ku dileen, iyagoo horey u kaxeystay mootadii ay ka dhaceen.

Dadka degaanka ayaa si weyn uga argagaxay falka dilka iyo dhaca ah ee caawa ka dhacay degmadooda, iyagoo ku wargeliyey ciidamada Booliska oo illaa hadda aan la ogeyn talaabada ay qaadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -