Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Arrimaha Dibadda Türkiye oo ka badbaaday isku-day dil

Wasiirka Arrimaha Dibadda Türkiye Hakan Fidan ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day dil oo loo isticmaalay maadooyinka Arsenic iyo Mercury.

Fidan waa nin hoggaamin jiray Hay’adda Sirdoonka Türkiye ee (MIT). “Waxaa i bartilmaameedsaday kooxo Argagixiso ah tan iyo markii aan shaqada billaabay ayuu yiri.

“4 ama 5 sano kahor waxaa la igu weeraray sumayn loo adeegsaday biro. Hakan Fidan wuxuu ka hadlayey waraysi ay la yeelatay 24 TV. “Sumayntan waxaa lagu ogaaday baaritaanno caafimaad aan maray” ayuu yiri.

Wuxuu dhaleecayn u jeediyey Xisbiga ugu wayn Mucaaridka Türkiye oo buunbuuniya hadallada ay argagixisadu u soo dhiibaan.

“Tani waa wax aan wanaagsanayn. Aniga jir ahaan baa la ii weeraray. Marna waa la i sumeeyey” ayuu yiri. Laakiin wax intaa dhaafsiisan ma uusan sheegin, gaar ahaan goorta iyo halka shilalkaas ay ka dheceen.

Related posts

Wakiilka Soomaaliya u jooga UNFPA oo Warqadaha aqoonsiga laga gudoomay (Sawirro)

Cabdi Cade

Shiinaha oo si weyn uga carooday wafdi Somaliland u dirtay Caleemo saar ka dhacay…

Cabdi Cade

Xagee ku dambeeyay dagaalkii dhexmaray Mahad Salaad & Lafta gareen..?!

admin
Taboola Ads ---