Allbanaadir.com
NEWS

India & Pakistan oo ku heshiiyey xabad joojin

Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan, Ishaq Dar ayaa sheegay in Pakistan iyo Hindiya ay ku heshiiyeen xabbad joojin degdeg ah.

Trump, wuxuu ku dhawaaqay inuu dhex dhexaadiyay Pakistan iyo Hindiya , kaddib wada-hadallo waqti dheer qaatay oo ugu dambeyntii heshiis rasmi ah ay labada dal ka gaareen xiisaddii u dhaxeysay, isagoo sii hadalaya wuxuu yiri ;

“Kadib habeen dheer oo uu Maraykanku dhexdhexaadinayey, Hindiya iyo Pakistan waxay ku heshiiyeen xabbad-joojin buuxda oo degdeg ah” ayuu yiri Trump.

Turkiga iyo Sacuudiga ayaa sidoo kale ka qeybqaatay dadaalladii lagu joojiyay iska horimaadkii toddobaadyadii u dambeeyay u dhaxeeyay Pakistan iyo Hindiya, sida u xaqiijiyay wasiirka arrimaha dibadda Pakistan.

Hindiya oo ka jawaabeysa dil 26 qof loogu geystay qeybta ay maamusho ee Kashmir ayaa weerar gantaalo iyo dayuurado dagaal loo adeegsaday ku qaaday goobo ku yaalla dalka Pakistan oo ay sheegtay iney fariisimo ku leeyihiin kooxi gooni argagaxiso ah.

Pakistan oo ka jawaabeysa talaabada India ayaa qaaday weerar lagu beegsaday fariisimo iyo saldhigyo ay leeyihiin ciidamada India, iyagoo soo riday dayuurado badan oo India laheyd arrintaasoo dharbaaxo iyo fadeexad ku noqotay India.

Related posts

Xubno katirsan Al Shabaab oo ku dhintay qaraxyo ay diyaarinayeen

Cabdi Cade

Maraykanka & Turkiga oo heshiis ka gaaraya arrin ay muddo dheer isku khilaafsanayeen

Caydiid Ali

Somaliland oo amaro adag kusoo rogtay Musharaxiinta ku guuleestay Doorashada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---