Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo arrimo muhiim ah kala hadlay Catriona Laing (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)  ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Amb. Catriona Laing.

Ugu horreyn madaxweynaha Hirshabeele ayaa ka dhageystay Amb. Catriona Laing warbixin ku aadan howlaha Qaramada Midoobay ka wado iyo kuwa uga qorsheysan  deegaannada maamulka Hirshabeelle.

Waxa kale oo ay sheegtay Amb. Catriona Laing inay u diyaar-garoobeen cabsida laga qabo roobabka Elnino ee ku aadan xilliga roobka Gu-ga oo iminka ka curtay degmooyinka  Hirshabeelle.

“Waxaan ka mahadcelinayaa taageerada joogtada ah ee Hay’addaha Qaramada Midoobe, waxaan ku faraxsanahay inaan wadajir uga wada shaqeyno howlaha hor-tebinta inoo leh.” ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa u mahadceliyay shaqadii ay qabatay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. Catriona Laing oo dhawaan dalka ka tagi doonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxa Wagner oo shaaciyay Sababtii keentay in ay gadood iyo kacdoon sameeyaan

Cabdi Cade

Trump oo si aan ku tala gal aheyn usoo bandhigay Warqad sir u aheyd (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dadka lagu laayey Khartuum oo Boqol gaaray & Meydad laga soo saaray webiga Nile

Caydiid Ali
Taboola Ads ---