Trump oo si aan ku tala gal aheyn usoo bandhigay Warqad sir u aheyd (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa si aan ku tala gal aheyn Warbaahinta ugu soo bandhigay Warqad sir u aheyd oo ay ku qornaayeen heshiis soo galootiga ku aadan oo ay gaareen maamulkiisa iyo dowlada Maxcio.

Trump ayaa Wariyaal uu la hadlayay ka diiday in uu faah faahin ka siiyo nuxurka heshiiska qarsoodiga ah uu la galay dowlada Maxcio, waxa uuna sheegay Madaxweynaha in heshiiskaasi uu yahay mid sir ah.

Madaxweyne Trump ayaa xili uu macsalaameenayay Wariyaasha u sheegay in heshiiska uu la galay Maxcio uu qoraal ahaan hada gacanta ugu hayo, waxa ayna Wariyaasha durba bilaabeen in sawiro ka qaataan warqada sirta ah uu Madaxweynaha gacanta ku hayay.

Warbaahinta ayaa sawirada laga qaaday Warqada uu gacanta ku hayay Madaxweyne Trump ka ogaatay qaar kamid ah qodobada heshiiska ay kamid aheyd in dalka Maxcio laga dhigo dal nabdoon si aysan soo galootiga uga soo gudbin Mareykanka.

Warqadda laga sawirtay Madaxweyne Trump ayay ku qoran tahay in Mexico ay ka go’antahay in ay si deg deg ah dib u ugu eegto shuruucdeeda si ay u noqoto dal saddexaad oo ammaan ah haddii loo baahdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -