Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Laftagareen oo isaga tagay Muqdisho kuna laabtay Baydhabo kaddib markii…

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa dalka dibaddiisa iyo Muqdisho ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ,wasiiro, xildhibaano, saraakiisha hay,addaha amniga iyo qeybaha kala duwan bulshada ayaa garoonka diyaaradaha Shaati-Gaduud kuso dhaweeyay wafdiga madaxweyne Laftagareen.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaana maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho uu u tagay ka qeyb galka shirkii golaha Wadatashiga Qaran uu iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya, balse markii dambe u baaqday cillado farsamo.

Muqdisho waxaa ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay madaxda maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle, waxaana magaalada imaan oo wararku sheegayaan in dartiis u baaqday shirkii golaha Wadatashiga Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Shirka baaqday ee golaha Wadatashiga Qaran ayaan wali la shaacin xilliga uu qabsoomi doono, waxa ayna madaxda maamul goboleedyada hadda bilaabeen in ay dib ugu laabtaan deegaannadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Maxamed Nuur Shekh Cadde oo geeriyooday iyo Madaxweyne ka hadlay

Cabdi Cade

Qaybta 2 aad :- Maxay aheyd faaxishadii sababtay in la halaago Qoomkii loo diray Nebi Luud CS?

admin

Wasiir Kaahin: “Al-shabaab & DF Somalia ayaa iska kaashanaya burburinta Somaliland”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---