Dadka lagu laayey Khartuum oo Boqol gaaray & Meydad laga soo saaray webiga Nile

Tacshiirad ayaa weli maanta laga maqlayey magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Sudan ayada oo xiisad ay halkaas ka kacsan kadib laba maalmood oo ciidamada ammaanka ay dileen 60 qof oo ka mid ah dibad-baxayaasha.

Meydadka illaa afartameeyo qof ayaa laga soo saaray webiga Nile ee djexmara magaaladaas kuwaasoo tirada dadka ay laayeen ciidamada milateriga ka dhigeysa in ka badan 100 qof.

Isbitaalada magaalada Khartoum ayaa sheegay inay la tacaalayaan tirada dadka dhaawaca ah kadib markii ciidamada ammaanka ay Isniintii billaabeen weerar ka dhan ah shacabka dibad-baxa fadhigga ah ka wada dibedda xarunta ciidamada.

“Xaaladda aad ayay u adag tahay. Inta badan isbitaalada waxaa soo gaaray dhaawacyo ka badan inta ay xamili karaan” waxaa sidaas wakaaladda wararka ee AFP u sheegay dhaqtar ka shaqeeya laba isbitaal.

“Waxaa jira shaqaale yari caafimaad, waxaa jira dhiig yari, waxaana adag in la fuliyo qalliinada qaar, sababtoo ah isbitaallada qaar unbaa fulin kara qalliinada qaarkood” ayuu yiri.

“Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah kuwa ay xaaladdoodu liidato, waxaana u malayanyaa in dhimashada ay kordhi doonto.”

Dhinaca kale, hoggaamiyaha milatariga haya talada dalka, Jeneral Abdel Fattah Burhan ayaa maanta sheegay inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal ka galo mustaqbalka dalka, maalin kadib markii uu sidaas diiday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -