Kaniisad Yuhuudu ku leedahay dalka Maraykanka oo dad badan lagu laayey (Daawo Sawirro)

Weerar hubeysan ayaa goor dhow lagu qaaday Kaniisad ay leeyihiin dadka Yuhuudda ah oo ku taalla magaalada Pittsburg Gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka

Sida warku sheegayo ninka weerarka qaaday ayaa la sheegay inuu ahaa caddaan isagoo rasaas ku furay dadkii ku sugnaa gudaha Kaniisadda

Waxaa la soo weriyay inuu halkaas ku dilay illaa 8 qof iyadoo dhaawaca uu gaarayo 10 kale, iyadoo dadka la dilay la sheegay in saddex ka mid ah ay ka tirsan yihiin ciidamada Booliska.

Ninka weerarka geystay oo markii dambe booliska isku dhiibay ayaa la xiray, iyadoo dadka loo sheegay inaysan guryahooda ka soo bixin.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana xilligan oo subaxnimo  ah dadka yuhuuda ah ee Gobolkaasi ay u ahayd maalin tagaan Kaniisadaha maadaama ay tahay maalin sabti ah booliska ayaana wada baaritaano la xiriira ninka weerarka geystay iyo ujeedada uu ka lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -