Deni oo xariga ka jaray garoonka K/Cagta Cawaale ee Magaalada Gaalkacyo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta xarigga ka jaray Garoonka Kubadda Cagta Gaalkacyo ee Cawaale Stadium oo si casri ah loo dhisay.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay dhismaha Garoonka Cawaale Stadium, Wuxuuna khudbadiisii ku bogaadiyey shaqada wanaagsan ee qabsoontay oo lagu dhisay Garoonka, isagoo u mahadceliyey Guddiga dhismaha Garoonka  iyo Cid kasta oo ka qeyb qaadatay.

Madaxweyne Deni oo ka jawaabaya codsiga Guddiga dhismaha garoonka Cawaale Stadium, ayaa ballan qaaday in Dowladdu bixinayso dhammaan daymaha lagu leeyahay Garoonka ee ku baxday dhismihiisa.

Wuxuu Madaxweynuhu Bulshada la wadaagay muhiimada ay dadka Soomaaliyeed u leedahay nabada iyo horumarka Gobolka Mudug, isagoo sheegay in soo kabashada Gobolka Mudug ay tahay soo kabashada dalka Soomaaliya, taasi oo ay qeyb ka tahay isdhexgalka Bulsho iyo nabada kajirta Gobolka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay horumarka laga gaaray Iskaashiga Puntland iyo Galmudug ee dhinacyada amniga, ganacsiga iyo horumarka, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay masuuliyiintii wadajir uga shaqeeyay Amniga ee soo afjaray kooxaha argagixisada ahaa ee Gobolka dhibaatada ku hayey sida uu hadalka u dhigay.

Munaasabadda xarig jarka Cawaale Stadium waxaa ka qeybgalay, Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, Wafdi ka socda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Masuuliyiintan Gobolka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug, Isimada, kooxaha kubadda cagta ee Gobolka Mudug, Fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee guud ahaan Bulshada Gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -