Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii Kismaayo & Maamulka Jubbaland oo War ka soo saaray

Xaalada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose ayaa caawa degan ka dib markii galabta xiligii qorax dhaca uu ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeyey ciidamada amniga Juballand iyo ciidamo kale oo qaab beeleed u abaabulan.

Dagaalka oo xoogiisu ka dhacay xaafada Calanley ee magaalada Kismaayo ayaa la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud, iyadoo gudaha magaalada laga maqlayey qaraxyo madaafiic iyo tacshiirad la isweydaarsanayey.

Afhayeenka laamaha Amniga Jubbaland Siciid Joogsade ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidanka amniga lagu qabtay 11 nin oo hubeysnaa kuwaasoo uu ku sheegay inay ahaayeen rag abuurayay amnidaro.

“Ciidamadda Amniga dowlad Goboleedka Jubbland oo maanta ka fuliyay Magaaladda kismaayo Howlgal lagu xoojinayo Amniga ayaa gacanta ku soo dhigay intii uu howlgalka socday 11 Ruux oo ahaa koox hubeysan oo doonayay inay abuuraan xasilooni daro amni iyaga hubkoodii” ayuu yiri afhayeenka.

Dagaalka ka dhacay Kismaayo ayaa ka dambeeyay amarro ka soo baxay maamulka Axmed Madoobe oo lagu mamnuucay in wax hub ah lagu dhex qaato magaalada.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay dagaalka kuwaasoo uu ka mid yahay oday nabadoon ahaa, halka qaar kale ay ku dhaawacmeen, waxaana ka dhashay dagaalka khal khal xoogan oo la soo dersay shacabka magaaladaas.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -