Socodka gaadiidka Nairobi iyo Mandhera oo la hakiyey & cabsi soo korortay

Saraakiisha amaanka dowladda Kenya ayaa sheegay iney hakad geliyeen gaadiidkii isaga goosha magaalada Nairobi iyo degmada Mandhera.

Waxay intaas ku dareen in inta u dhaxeysa labada Magaalo lagu arkay xubno ka mid ah kooxda Al-shabaab sidaas darteedna la joojiyay gaadiidka dadweynaha.

Waddada u dhaxeysa degaannada Rhamu iyo Ceelwaaq ee Ismaamulka Mandhera ayaa ka mid ah meelaha lagu arkay xoogaga Al-shabaab.

Jeremiah Kosiom oo ah Taliyaha Booliska ee Gobolka ayaa ku dhawaaqay in isu socodka Gaadiidka dadweynaha hakad la geliyay ilaa amar dambe.

Guddoomiyaha degmada Mandhera Cali Roobow ayaa sheegay in shacabka degmadiisa ay dhibanayaal labada dhinac ka gubtay u yihiin Al-shabaab iyo Milatariga Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -