(Akhriso) War murtiyeed ka soo baxay shirkii Ururka Islaamka oo lagu soo gebagebeeyey Muqdisho

Waxaa goor dhow lagu soo gebagebeeyey magaalada Muqdisho shirkii kooxda xiriirka Somalia ee ururka iskaashiga Islaamka kaasoo markii ugu horeysay lagu qabtay dalka Somalia.

Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa ku tilmaamay Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC mid taariikh ah oo maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Sida Wasiir Cawad uu sheegay Shirka waxaa Khudbad loo bogay ka jeediyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku dheeraaday horumarka Soomaaliya gaartay iyo taageerada ay ka fileyso dalalka Islaamka maanta goobjooga ka ahaa shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Shirku si fiican ayuu u dhacay waxaa shir guddoomiye ka ahaa Dowladda Qadar oo uu goob joog ahaa Wasiiru dowlahooda arrimaha dibadda, waxaana kooxdaan loo yaqaano xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC guddoomiye u ah Qadar, martidu waxay ka mahad naqeen soo dhoweyntii diirneyd ee loo fidiyay,shirku wuxuu ku soo gaba-gaboobay inuu ka soo baxo dhambaal nuxurkiisu ahaa in dalalka iskaaskiga islaamka ay adkeeyaan midnimada dalka Soomaaliya iyo Qaranimada dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in waxyaabaha shirka ka soo baxay qeyb ka tahay in Soomaaliya laga garab istaago dhanka horumarka ee loo qaadayo dhinaca Dowladnimada, dhanka gargaarka bini-aadanimo, sidoo kale shirkan waxaa lagu qiray in Xukuumadda Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar la taaban karo ee dhinacyada amniga, siyaasadda iyo waliba arrimaha Bulshada.

Shirkan oo ay ka qeyb galeen ergooyin iyo wasiiro ka socday 15 dal oo islaam ah ayaa gebagebadii laga soo saaray War murtiyeed dheer oo ku qoran luuqadaha englishka iyo carabiga kaasoo looga hadlay xaalada geeska afrika wuxuuna u qornaa sidatan:-

Halkaan Riix si aad u aqriso War-murtiyeed ka  OIC- Shirkii Maanta ee Muqdisho

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -