Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Saameynta Roobab lagu qabowsaday oo maanta ka da’ay Muqdisho

Roobab xoogan ayaa saaka ka bilowday magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda kuwaasoo ah kuwa xiligii gu’ga oo aalaaba bilowda sanad kasta marka la soo gaaro bilahan oo kale.

Roobkan oo marna xoogeysanayay marna qaboobayay  ayaa saameyn ku yeeshay socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinka laamiga ah iyo xaafadaha khul-khulay biyo iyo daadad ka sameysmay roobabka  oo socday saaka 9:00-kii subaxnimo illaa gabal dhicii maanta.

Waxaa magaalada dul hoganayay weli daruuro madow oo roob wata kuwaasoo iftiinkii maalmeed bedelay sidii mugdi oo kale.

Shacabka magaalada Muqdisho oo maalmahan dareemayey kuleylkii ugu darnaa sanadahan oo habeen iyo maalin ah ayaa si weyn ugu farxay roobabkan oo ay sheegeen iney ku diirsadeen ayna dareemayaan jawi macaan iyo neecow.

Dhinaca kale, roobabkan ayaa saameyn adag ku yeeshay xeryaha ay ku nool yihiin barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda, kuwaasoo aan heysan hoy wanaagsan oo ay ka dugsadaan roobka iyo qabowga.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

 

Related posts

Taliska Booliska oo hakiyey bixinta Warqada dembi la’aanta ee CID-da, kana hadlay sababta

Caydiid Ali

Daawo: Farmaajo oo qorshe cusub iyo gorgortan la tagay Dhuusamareeb & Warar kale

Caydiid Ali

Saameyn intee le’eg ayaa ka dhalan karta haddii DF bandow ku soo rogto Muqdisho?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---