Saameyn intee le’eg ayaa ka dhalan karta haddii DF bandow ku soo rogto Muqdisho?

COVID-19 xakameyntiisa uma baahna iney xoog u saameyso xuquuqda xoriyada dadka, gaar ahaan dhaqdhaqaaqa la xirrira adeega ay ku doonayaan waxyaabaha daruuriga u ah nolosha sida raashinka, dhuxusha, biyaha, daawooyinka, dhiibista biilasha, xawaaladaha, bangiyada, farmashiyeyaasha, isbitaaladda, shidaalka, gaadiidka dadka iyo kan xamuulka, dukaamada dharka iyo raashinka, hoteladda, kaluumeysiga, suuqyada badeecadaha kala duwan, isgaarsiinta, xafiisyada qareenada, iwm.

Dowladu waa iney dhaqan gelisaa xakameyn ay dadka ku ogoleysiineyso iney si iqyaarkooda ah u joogaan guryahooda haddii aysan adeeg daruuriya u socon, waxeysa dowladu xaq u leedahay iney meelaha laga helayo waxyaabaha daruuriga ah ay ku soo rogto iney tiro go’an oo dad yar markiiba u ogolaadan iney gudaha u galaan dhismayaashooda.

Bandow lagu xanibayo socodka dadka waa iney jirta xuquuqdaas laga qaaday bedelkeeda in dadku helaan gargaar lacageed iyo mid raashin, shirkadaha bixiya adeegyada daruuriga ahna ay dowladu ka dalbato iney bixiyaan adeegyadooda iyagoon shacabka weydiisan wax lacag ah ama ay dowladu kharashyadooda kabto ama biilashooda ay la sugtaan marka uu dhamaado xanibaada dadka saaran.

Magaca bandow dhawaqiisu waa mid siyaasadeysan oo ay ka dhex muuqato caburin iyo ciqaab shacabka loogu geysanayo xoriyadda noloshooda, taasoo si xoogan uga hor imaaneysa halganka ay dadku ugu jiraan iney raadsadaan risiq xalaala. Haddii ay sidaas dhacdo waxey horseedi kartaa dadku iney dareemaan maskax caburin keenta qalalaase diidmo oo ay ku doonayaan nolol ama geeri midood. Maxaa yeelay caburintu waxey la macno tahay maqnaashaha xaqa ah oo aad ku dooran kartid nolol leh xushmeynta xuquuqda dadnimada oo dhameystiran.

Dowladda Somalia waa iney ka shaqeeysaa dhowrista badqabka dadka oo ku dheelitiran ogolaanshaha rabitaankooda, intii ay xanibaada dadka ku jaangoyn lahayd maslaxada dantooda ku aadan doorashada soo socota, taas oo ah calaamad guuldarro oo dhamaadkeedu yahay awood xumaan ku soo idlaata. Isu socodka siyaasiyiinta iyo taagereyaashooda haddii bandow lagu kala xiro oo ay dhacdo in la iska warsan waayo hanaanka geedi socodka doorashada oo weliba madaxda dowladu ay albaabadooda hoos ka soo xirtaan waxey taas cadeyneysaa afduub ay daba socoto in si qasaba ay isku dhiibaan mucaaradka isku diyaarinaya iney dib uga soo mid noqdaan doorashooyinka labada gole iyo mida madaxweynaha. Tani waxey noqon tijaabo lagu turunturoodo.

Haddii la rabo dadka in guryaha lagu hayo wakhtiga aadka u adag waa in dowladdu ay door weyn ka qaadato in ganacsiga madadaalada iyo maaweelada aad loogu xoojiyo telefishenada si qeybaha kala duwan ee shacabka mid walba uu uga helo barnaamijyo xiiso badan oo qof walba ku qasba inuusan ka baaqan la socodkooda, taas waa dhagar aan ka hor imaaneyn ku xadgudubka xuquuqda dadka, isla markaasna dadka ku hayneysa guryahooda oo gelineysa bandow aysan dareensaneyn oo xoriyadooda ay ku doorteen iney guryahooda isku dhex xakameeyaan. Hadiise la doonayo in dadka lagu xanibo fiditaanka fayruska iyada oo loola dan leeyahay waxyeeleynta mucaardka, taas waxey noqon doonta aragtida muxaafadka dowladda, wuxuuna hal hays u noqon doonaa dhaawaca ka soo gaaraya doorashada soo socota wakhti kasta oo ay dhacdo.

Waxaa qoray: Prof. Saciid Ciise Mohamud
Maine, USA

 

- Advertisement -