Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska Booliska oo hakiyey bixinta Warqada dembi la’aanta ee CID-da, kana hadlay sababta

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in xarumaha faraha ee CID-da la xirayo Maalita berri oo ay taariikhdu ku beegsan tahay 19/03/2020.
Zakiya oo War qoraal ah ku soo qortay barteeda Facebook ayaa waxay intaas ku dartay in xaruntaas ay xirnaan doonto muddo 15-maalmood ah.

“Iyadoo la raacayo awaamiirta guud DFS oo ku aadan taxadirka faafinta cudurka Coronavirus, waxaa shacabka Somaliyeed ku wargelineynaa in laga bilaabo BERI taariikhduna ku beegantahay 19/03/2020 aan xirnay Waaxda Faraha ee CID oo bixisa warqada dembi la’aanta muddo 15 cisho ah” ayay tiri Zakiya Xuseen.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre ayaa xalay shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay shan Milyan oo Dollarka mareykanka ah u qoondeysay la tacaalidda caabuqa COVID- 19, dhammaan dalka oo dhan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhawaaqay in la xirayo dhammaan goobaha waxbarashada sida dugsiyada iyo jaamacadaha, laga billaabo maanta iyagoo xirnaan doona muddo 15 maalin ah, si looga hortago faafidda caabuqa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada Wariyaasha lagu dilay Caalamka 20-kii sanno ee lasoo dhaafay oo la shaaciyay iyo Soomaaliya oo…

Cabdi Cade

Shariif Xassan oo ka hadlay cida diiday safarkii uu maanta ku tegi lahaa Baydhabo

Caydiid Ali

Jadwalka Doorashada Shan Kursi oo lagu dooranayo Muqdisho oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---