Booliska Muqdisho oo xiray nin caan ka ah Baraha bulshada oo anshax xumo ku eedeysan

Booliska Muqdisho ayaa xabsiga dhigay nin caan ka ah baraha bulshada oo loo yaqaano (Gariiraaye) kaasoo lagu eedeeyey inuu baahiyey muuqaalo anshax xumo ah.

Ninkan oo ah miisaanka jirkiisu culus yahay ayaa waxyaabah alagu heysto waxaa ka mid ah inuu xirto dharka haweenka uuna iska duubo muuqaalo isagoo sameynaya niiko iyo waxyaabo la mid ah, waxaana muuqaaladiisa dhibsaday dad fara badan

HOOS KA AKHRISO QORAALKA BOOLISKA

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhiga Boliiska Hodan oo gudanaya waajibaadka ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xiray Hanad C/raxmaan Maxamed (Gariiraaye)

Waxaana loo xiray in Bilihii  Lasoo dhaafay uu Bulshada ku baahineyay muuqaalo anshax xumo ah oo uu aad ugu baahinayay baraha bulshada.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed  waxay ka qaadidoonaa tilaabo sharciga waafaqsan  cid walba oo lagu helo ayada oo sameyneysa wax lid ku ah dhaqanka iyo anshaxa suuban ee Bulshada.

- Advertisement -