Allbanaadir.com
NEWS

Qaar kamid ah Wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho oo saakay xiran

Waxaa saakay xiran qaar badan oo kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinka lasoo dhigay ciidamo badan oo booliis ah oo gaadiidka wadooyinka ka celinaya.

Wadooyinka xiran waxaa kamid ah Laamiga Maka Al Mukarama, Laamiga Wadaha ,Laamiga Sodonka ,Warshadaha iyo wadooyin kale, waxaana dhamaan wadooyinkan lasoo dhigay ciidamo badan.

Wali lama oga sababta loo xiray wadooyinka muhiimka ah ee kuyaala magaalada Muqdisho, waxaana la arkayay dadweyne badan oo lugeenaya kadib markii loo diiday in wadooyinka maraan gaadiidkii ay la socdeen.

Wararka qaar aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweynaha ama Ra’isul Wasaaraha maanta midkood kormeer ku tago xeryaha ciidanka ee kuyaala qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay sii xumaanayay, waxaana magaalada ka dhacayay qaraxyo xoogan iyo sidoo kale dilal qorsheesan oo loo geesanayay dad kala duwan.

Related posts

Brundi oo qeylo dhaan kasoo saartay weerar iyo afgembi kaga yimaada dalka…

Cabdi Cade

DEG DEG: RW Rooble oo ka soo horjeestay muddo kororsiga, kuna dhawaaqay doorasho

Caydiid Ali

Safiir u dhashay dalka Ingiriiska oo shaqada laga joojiyay kaddib markii uu qoray ku taagay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---