Dowlada oo shaacisay khasaaraha dhimasho iyo mid dhaawac ee ka dhashay qaraxii Sayidka

Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa maanta ka dhacay koontarool kuyaala Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Saalax Dheer oo Warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qaraxa ku dhinteen 3-qof sidoo kale ay ku dhaawacmeen lix ruux oo kale.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in qaraxa loo adeegsaday gaari uu sheegay in qaraxa lagu soo dhajiyay balse aan laga soo buuxin, waxa uuna tilmaamay in ay socdaan baaritaano ku aadan qaraxan.

Qaraxan uu sheegay Afhayeenka in uusan aheyn mid gaariga laga soo buuxiyay ayaa jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan uu dhaliyay khasaaro hantiyadeed iyo bur bur.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ka horeeyay koontaroolo kale oo ciidamada dowlada joogaan, waxaana la isweediinayaa sida fudud uu gaarigan kusoo dhaafay koontaroolada kuna yimid koontaroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada.

- Advertisement -