Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Bankiga Adduunka oo soo saaray War culus oo ka farxiyey dowlada Somalia

Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay 30 sano ka dib la soo noqotay hannaan ay ku heli karto taageero cusub oo toos ah oo uga imaanayso hay’adda horumarinta caalamiga.

Waxay talaabo wanaagsan u qaaday hal abuurka daymaha looga cafinayo waddamada faqriga iyo soo kabashada sanadaha soo socda ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Bangiga Adduunka.

Guushan ayaa ka dambeysay markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay bixisay lacagihii Hay’adda horumarinta Caalamiga ah ay ku laheyd Soomaaliya si loo dhameystiro soo celinta xiriirka caadiga ah ee Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka.

“Waxaan u hambalyaynayaa dowladda Federaalka Soomaaliya gaarida yoolkaan taariikhiga kaasoo u ogolaanayaa Soomaaliya in ay hesho taageero dhaqaale oo xooggan oo ka imaanaysa Bangiga aduunka si loo horumariyo nolosha dadka,, tani waxay salka u dhigaysa soo bogsho dhaqaale iyo mid bulsho waxaan jecelahay inaan u mahad celiyo dowladda Norway oo fududaysay habka dayn cafinta” sidaas waxaa yirri Axel van Trotsenburg, agaasimaha Maamulka Bangiga Aduunka.

Hannaan la isku fahmay ayaa lagu bixiyay dhaqaalaha Bangigu ku lahaa Soomaaliya oo ay taageertay Dowladda Norway kuna bixisay $365.9 million oo doolar oo dayn ah si Soomaaliya uga gudubto buundadaan, sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Hey’adda lacagta Aduunka (IMF) iyo Bangiga Horumarinta Afrika.

“Waxaan ku faraxsanay in Dowladda Norway ay door wanaagsan qaadatay si caalamka Soomaaliya uga cafiyo daymaha ayna fursad u hesho maalgalinta Hey’adda Horumarinta caalamiga, waxaan kaloo ku faraxsanahay in Soomaaliya talaabo kale oo muhiim ah u qaaday hannaanka dhaafida daymaha haray” ayuu yirri Wasiirka Arrimaha Dibbadda ee Norway Ine Eriksen Søreide.

Caddeynta deymihii hay’adda horumarinta Caalamiga ah waa fursad furaysa soo noqoshada Soomaaliya “Waa cusub baa inoo baryay, waxaan rajeynaynan inaan horu ugu dhaqaaqno xoojinta xiriirka nagala dhaxeeyo Bangiga aduunka iyo dhismaha tiirarka dhaqaalaheena si dalkeenu u gaaro barwaaqo ” ayuu yirri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr; Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Wasiirka ayaa u mahad celiyay taageerada buuxda ee Soomaaliya la garab istaagtay dowladda Norway si ay bixiso dayntii Hey’adda Horumarinta Caalamiga ah.

Kulan ay asbuucii la soo dhaafay yeesheen maamulka sare ee Bangiga aduunka ayay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan kobaca xooggan ee daqliga sanadlaha ah ee dowlada, horumarka Siyaasada, Bulshada iyo dhaqaalaha oo suurgaliyay in Soomaaliya ay halkaan soo gaarto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano Mooshin ka keenay labo xubnood uu soo magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciise Sharaawe oo Shaaciyay cidii qorsheesay dilkii uu maanta ka bad baaday

Cabdi Cade

Ruushka oo sheegay in diyaaradda Prigozhin laga yaabo in si ulakac ah loo soo riday

Caydiid Ali