Madaxweyne Maxamuud Cabaas oo iska diiday qorshe uu soo bandhigay Madaxweyne Biden

Madaxweynaha maamulka Falastiin, Maxamuud Cabbaas ayaa lagu warramaya inuu diidday qorshe uu usoo bandhigay Madaxweyne Mareykanka Joe Biden, oo ka dalbaday inuu joojiyo qaraarka qabyada ah ee maanta la horgeynayo Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaa oo ku saabsan in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay, sida ay sheegtay warbaahinta Axios oo ku dhow Aqalka Cad.

Helitaanka xubin buuxda ee Falastiin ayaa u dhiganta in Qaramada Midoobay ay aqoonsato dawlad Falastiin ,marka hore waxay u baahan tahay sagaal cod si qaraarka loo horgeeyo 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo cod u qaadaya.

Golaha, oo uu ku jiro Mareykanka, wuxuu u baahan doonaa inuu ansixiyo codsiga, kadibna waa inuu helaa ugu yaraan saddex-meelood laba meel codadka golaha Guud, si ay Falastiin uga dalacdo goob-joogaha ay ka tahay Qaramada Midoobay oo ay u noqoto dal xubin buuxa ka ah.

Saraakiisha Maraykanka iyo Israa’iil ayaa sheegay in maamulka Biden uu isku dayayo inuu ka hor istaago Falastiiniyiinta inay helaan sagaalka cod, si uusan Mareykanka ugu qasbanaan inuu adeegsado codka qayaxan oo dhaleeceyn badan uu kala kulmay saddex mar oo uu u adeegsaday qaraar ku baaqayay xabbad-jooninta Qasa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -