Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulan isbarasho ah la qaatay Pier Marion Dacco (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub dalka Taliyaaniga ee Soomaaliya Amb. Pier Marion Dacco Coppi.

Kullanka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo danjiraha dalka Taliyaaniga Mudane Pier Marion Dacco Coppi oo ahaa mid isbarasho iyo kala warqaadasho ah, maadaama safiirka uu dalka cusub yahay.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii dowladda Taliyaaniga ay kaalin muuqata uga qaadan laheyd tayaynta iyo horumarinta Golaha Shacabka, waxaana uu ammaanay doorka Baarlamaanka Soomaaliya ka qaatay ansixinta shuruucda muhiimka u ah qaranka.

Sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Taliyaaniga ku boggaadiyay kaalinta weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka iyo taageerada ay siiso Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir looga hadlay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya oo ka dhacay Manama (Sawirro)

Cabdi Cade

Qoor-qoor oo war ka soo saaray doorasho ka dhacday Magaalada Gaalkacyo

Caydiid Ali

Askari ka tirsan ciidamada Israel oo si fool xun loogu dilay gantaal lala helay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---