Taliska ciidanka Asluubta oo War ka soo saaray Weerarkii ka dhacay gudaha Xabsiga dhexe

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa faah-faahin ka bixiyay shaqaaqadii galabta ka dhacday xabsiga dhexe ee Xamar.

General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo hadal kooban siiyey telefishinka ku hadla codka dowlada ayaa caawa sheegay in koox maxaabiis ah ay ka dambeeyeen shaqaaqadii ka dhacday xabsiga haatana la soo afjaray.

Maxaabiistii shaqeyneysay ee cuntada karineysay ayaa waxay qoriga la qabsadeen askari waardiye ah oo dhex joogay, ka dibna qorigii markii uu gacantooda galay waxay dileen askari kale oo kor saarnaa, waa soo dhacay, sidaas waxay ku heleen labo qori oo ay ku dagaal galeen, gudahana waxaa ka bilowday rasaas sababtay dhimasho iyo dhaawac, intaas wax ka badan meesha kama dhicin xaaladuna hadda waa degan tahay” ayuu yiri taliyaha.

General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaan sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iyo tirada dadka ku dhintay dagaalka ka dhacay gudaha xabsiga dhexe.

Sidoo kale taliyaha kama hadlin halka kooxda maxaabiista ah ee dagaalantay ay ka keeneen bambooyin iyo bastoolado ka mid ahaa hubkii ay ku dagaalamayeen, waxaana taliyaha ka muuqatay inuu aad uga gaabsanayey faahfaahinta dhacdadan.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in ugu lix ka mid ah maxaabiista la dilay, qaar kalena la dhaawacay kuwaasoo iskugu jiray kuwii dagaalamayey iyo qaar kale oo aan ka mid aheyn, sidoo kale lama oga khasaaraha soo gaaray ciidanka la dagaalamay maxaabiista hubeysan.

Wararka kalena waxay sheegayaan in mid ka mid ah maxaabiista uu baxsaday, isagoo banaanka ku toogtay darawal bajaajle ah oo ka qaatay mootada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -