Xidiga Weyne Rooney oo Fadeexad dhaxda uga jira iyo sababta keentay

Xiddigii hore ee xulka qaranka England iyo kooxda Manchester United ee Wayne Rooney ayaa lagu xiray xabsi kuyaala dalka Mareykanka , kadib markii uu rabsho ka kiciyay isaga oo marqaansan diyaarad uu ku safrayay.

Rooney oo loo heestay in rabsho ka abuuray diyaarad uu kasoo raacay Sacuudiga kuna jeeday dalka Mareykanka ayaa lagu xiray xarunta Booliska Laoudoun County Adult Detention Center ee ku taalla magaalada Virginia.

Ciyaaryahanka ayaa lagu eedeeyay in diyaarada gudaheeda ku cunay kaniiniyaal maanka dooriya uuna isku dayay in diyaarada albaabkeeda furo, waxaana Rooney markii diyaarada caga dhigatay gacanta ku dhigay booliiska oo falka uu sameeyay lagu wargaliyay.

Weyne Rooney ayaa waxa markii dambe la geeyey maxkamadda dacwada loo heestay qaadeysay, waxa ayna maxkamada ku xukunay ganaax lacageed oo fudud, waxa ayna falkan uu Rooney ku kacay ku noqotay fadeexad iyo waji gabax .

Xaaska Rooney oo lagu magacaabo Coleen ayaa la sheegay in ay ka carootay dhaqan xumada seygeeda sameeyay, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ay damacsan tahay in ay furiin ka dalbato .

Rooney oo hadda u ciyaara kooxda DC United ee dalka Maraykanka oo uu toddobaadkii mushahar uga qaato lacag dhan £300,000 ayaa waxa uu waajahataa dhibaato kaga timaadda shirkadaha uu xayeysiiskooda lacagta badan ka helo, sida Nike oo sannadkii siisa lacag badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -