Saameyn xooggan oo ka dhalatay weerarkii xalay dowladda Iran ku qaaday Isra’il

Dalal badan oo ku yaalla bariga dhexe ayaa si ku meel gaadh ah u xiray hawadooda, ka dib weerarkii ay Iran ku qaaday Israa’iil, waxaana la hakiyey duulimaadyo badan, halka kuwii hawada kusoo jirayna loo leexiyey meelo kale.

Israa’iil ayaa xalay sheegtay inay xirtay hawadeeda, iyada oo la hakiyey duulimaadyadii iman jiray garoonka diyaaradaha ee Tel Aviv. Jordan iyo Ciraaq ayaa iyaguna xiraay hawadooda, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi.

Diyaaradda United Airlines ee laga leeyahay Maraykanka ayaa hakisay duulimaadkii ay ku tegi jirtay Tel Aviv Sabtidii, ka dib markii ay Israa’iil xirttay hawadeeda. Sidoo kale diyaaraddan ayaa hakisay duulimaad kale oo ay ku tegi jirtay caasimadda dalka Urdun ee Cammaan.

Diyaaradda laga leeyahay dalka Israa’iil ee El Al ayaa hakisay in ka badan 20 duulimaad oo bixi jiray Axadda, waxayna u sheegtay rakaabkii diyaaraddaasi, inaanay imanin garoonka diyaaradaha maadaama aanu duulimaad jirinin, illaa amar dambe.

Diyaaradda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee Emirates ayaa iyaduna hakisay duulimaad ay ku tegi jirtay caasimadda dalka Urdun ee Cammaan. Sidoo kale diyaaradaha Air France, British Airways iyo Luftansa ayaa iyana ka mida diyaaradaha gobolka u safri jiray ee hakiyey duulimaadyadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -