Bannaan bax weyn oo lagu taageerayo weerarka Iran ku qaaday Israa’iil oo la dhigay

Magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran waxaa maanta ka dhacay bannaan bax weyn oo lagu taageerayay weerarkii cuslaa ee xalay milatariga Iran ku qaadeen magaalooyin katirsan maamulka Israa’iil.

Dadka bannaan baxa dhigayay oo watay astaanta calanka Falastiin ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Tehran, waxa ayna dadkan ku dhawaaqayeen hadallo ay ku taageerayeen milatariga Iran.

Dibad baxayaasha ayaana ciidamada ku dhiiro-galinayay weerarka ay ku qaadeen Israa’iil, waxa ayna dadka isku soo baxay garab istaag u muujinayeen shacabka Falastiin gaar ahaan kuwa magaalada Gaza ee gumaadka kala kulmaya Isaraa’iil.

Milatariga Iran ayaa xalay weerar loo adeegsaday gantaalo culus iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ku qaaday Israa’iil, weerarkan ayaana jawaab u ahaa duqeyn Israa’iil la beegsatay Qunsuliyada Iran ku leedahay Dimishiq ,halkaas oo lagu dilay saraakiil sar sare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -