Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Raisi oo ka digay jawaab weyn haddii Israa’iil isku daydo aargoosi kale

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa sheegay in Weerar kasta oo cusub oo ka dhan ah danaha qaranka Iran uu la kulmi doono jawaab culus oo laga qoomameeyo.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa isna sheegay in Iran aysan wax niyad ah u haynin in ay sii wadato hawlgallada difaaca, “Laakiin haddii loo baahdo, kama labalabayn doonto inay danaheeda sharciga ah ka ilaaliso gardarro kasta oo cusub” ayuu yiri

“In la isticmaalo xuquuqda difaaca sharciga ah waxay muujineysaa sida mas’uuliyadda leh ee Iran ay u wajaheyso nabadda iyo amniga gobolka iyo tan caalamiga ah,” ayuu raaciyay.

Iran ayaa sii wada hanjabaadeeda ka dib markii ay weerar habeenimo ah oo aan hore loo arag ay ku qaaday Israa’iil.

Hogaamiyaha Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay in ay hadda si toos ah uga jawaabi doonaan mar kasta oo Israel ay weerarto danahooda, hantidooda ama dadkooda.

 

Related posts

Daawo Sawirada: Sida Quruxda badan ee Muqdisho loogu soo dhaweeyay R/Wasaaraha Itoobiya

Cabdi Cade

Doorashada kursi ka mid ah Golaha shacabka oo xalay ka dhacday Jowhar (Sawirro)

Caydiid Ali

Nin Mushaarkiisa ka badan yahay Hal milyan Dollar oo Cunto uu xaday shaqadiisa ku waayay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---