Allbanaadir.com
NEWS

Kaniisad kutaala Barlin oo loo ogolaaday in Muslimiinta ku dukadaan Salaada Ciida (Sawirro)

Masaajida kuyaala dalka Jarmalka ayaa loo ogolaaday in dadka Muslimiinta ah ku dukadaan salaada ciida, hasa ahaatee waxaa dadka Masaajida tagaya shuruud looga dhigay in ay kala fogaadaan si looga hortago faafitaanka cudurka Caronavirus.

Qaar kamid ah masaajida kuyaala magaalada Barlin ee dalka Jarmalka ayaa jameecadii markii hore ku dukan jirtay aad loo dhimay, waxa ayna taasi keentay in Muslimiin badan waayaan in goob ay ku dukadaan.

Kaniisad ku taalla magaalada Berlin ayaa u ogolaatay muslimiinta kunool magaalada Barlin in ay soo galaan kuna dukadaan salaada ciida, kadib markii ay ku adkaatay in masaajida ku dukadaan .

Masjiska Dar Assalam ee ku yaala Berlin waxaa markii hore halkii mar kuwada tukan jirtay boqolaal Muslimiin ah, balse dowladda Jarmalka ayaa soo rogtay in dadka ay kala fogaadaan 1.5 , waxaana hada masaajida loo ogol yahay 50-qof kaliya in ay ku dukadaan.

Imaamka Maxamed Taha Sabry ayaa bogaadiyay talaabo wanaagsana ku tilmaamay go’aanka kaniisada Martha Lutheran albaabada ugu furtay dadka muslimiinta ah si ay salaada ciida ugu dukadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsade la dhashay Wasiir caan ah oo Muqdisho lagu dilay iyo ninkii dilay oo la qabtay

Cabdi Cade

Mid kamid ah Maamul goboleedyada dalka oo qaadacay Shir lagu qabanayo Muqdisho

Cabdi Cade

Itoobiya: “Jid kasta ayaan u mareynaa inaan Bad helno”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---