Deni: “Looma dulqaadan karo dhibaatada Somaliland ka wado Laascaanood” (Shir-Jaraaid)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrinta Laas-Caanood oo ah magaalo madaxda gobolka Sool oo maalmahan ay ka socdeen qalalaase u dhexeeya ciidamada Somalland iyo dadka degaanka.

Madaxweynaha ayaa xaaladda ka soo korortay magaalada ku tilmaamay nasiib-darro, isagoo xusay in caburinta iyo dilka lagu hayo shacabka magaalada Laascaanood aan loo dulqaadan karin.

Madaxwaynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay in gobolka Sool uu ka tirsan yahay Puntland, ayna xoog ku heystaan dad aan Soomaalinimada ogoleyn.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in sababta Boorame, Hargeysa iyo Burco ay nabadda u yihiin Laascaanoodna dadka loogu dilo ay tahay qorshe lagu isir sifeynayo bulshada Laascaanood.

“Waa nasiib daro in Somaliland ay shacabka Laascaanood ku sameyso waxyaabihii ay kaga caban jirtay dowladii hore ee Milateriga, wax loo dulqaadan karana maaha” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay iska horimaadyo iyo rabshado dhexmaray dad ka soo horjeeda dowladda iyo ciidamada ammaanka ee maamulka Somaliland.

Mudaaharaadyada ayaa ka socday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay ku muransan yihiin maamullada Puntland iyo Somaliland muddo ka badan hal toddobaad.

Dibad-baxayaasha ayaa dalbanaya in Somaliland ay ku wareejiso Laascaanood maamulka Puntland, waxayna sidoo kale ku eedeeyeen ciidamada ammaanka inay ku guul-darreysteen inay soo afjaraan falalka ammaan-darro ee ka jira magaalada.

HOOS KA DAAWO SHIRKA JARAAID EE DENI OO DHAMEYSTIRAN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -