Israel oo Duqeyn ku leysay Wiilal uu dhalay hogaamiyaha Xamaas Ismail haniyah (Sawirro)

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay Arbacadii inay dileen saddex caruura oo uu dhalay hoggaamiyaha sare ee Xamaas, Ismaaciil Haniyah, ka dib weerar dhinaca cirka ah oo ay ka geysteen marinka Qaza, iyaga oo sheegay in saddexda caruura ee ay bartilmaameedsadeen inay ka tirsanaayeen garabka hubaysan ee Xamaas.

Weerarka Israa’iil ayaa sidoo kale lagu dilay illaa afar caruura oo kale oo uu Ismaaciil Haniyah awoowe u yahay, kuwaas oo la socday saddexda caruura ee uu dhalay hoggaamiyaha sare ee Xamaas.

Ismaaciil Haniyah, oo ku nool dalka Qatar, ayaa warkani soo gaadhay xilli uu booqanayey, qaar ka mida dadka ku dhaawacmay dagaalka Qaza, kuwaas oo la keenay cusbitaalka Dooxa.

Hoggaamiyaha sare ee Xamaas oo la hadlay telefiishanka Al Jazeera ayaa xaqiijiyey geerida ku timi ubadkiisa, isaga oo sheegay inay caruurtiisu shahiideen iyaga oo difaacaya magaalada Qudus iyo masjidka barakaysan ee al Aqsa.

Caruurta Ismaaciil Haniyah ayaa noqonaya, dadka ugu magaca sarreeyey ee ay Israa’iil la xiriirinayso Xamaas ee lagu dilay dagaalka socda muddada lixda bilood. Israa’iil ayaa sheegtay in mid ka mid inamada uu dhalay hoggaamiyaha Xamaas inuu ahaa taliye, halka labada kale ay ahaayeen askar.

Illaa haatan ma cadda sida weerarkani u saamaynayo dedaalada la doonayo in heshiis xabbad joojineed lagaga gaadho dagaalka Qaza, kaas oo ay ka odayaynayaan dhexdhexaadiyayaal caalami ahi.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

- Advertisement -