Saciid Ciise “Hogamiyeyaasha Wanaagsan waxey gaaraan yool ay adag tahay in la gaaro”

Hogamiyeyaasha Wanaagsan Fikir Sharciyeedyada Ay Reebaan Ayaa Qarniyaal Waxtarkooda Lagu Manaafacsadaa.

Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamud iyo ku xigeenkiisa Raisulwasaare Mudane Xamze Cabdi Bare ayaa dadaal qiimo badan waxey geliyeen wakhtiga yar ee mudo xileedkooda iney fuliyaan fikrado ay waxtarka sharci ahaantooda ay ummaddu mustaqbalka dhow iyo midka dheer ay u aayi doonto.

Masuuliyiinta dalka u horseeday iney fuliyaan sharciyo hagaajinaya wanaajinta maamulka dowladda iyo dadka horumarka u horseedaya waxey awoodooda hogaamineed ku eg tahay mudo xileed kooban, kadibna waxey dadka iyo dalka ula siman yihiin ku dhaqanka fikradaha sharciyadeed oo ay dhaqan geliyeen, kuwaas oo mudo dheer dabadood sii jiraya.

Hogaamiyeyaashaas waxaa awooda uga dambeynaya madax kale oo looga baahan yahay iney sii wanaajiyaan sharciyada waxtarka u leh maslaxada ummadda, iyagoo aan ku xumeyneyn ama xin ahaan aysan dib ugu celineyn wixii wanaaga oo ay sameeyeen hogaamiyeyaashii ka horeeyey oo meel wanaagsan soo gaarsiiyey himilooyinka horumarinta sharciyada dalka.

Madaxdii dalkan horay u soo xukuntay oo diidan dadaalada mirodhalka ah oo ay wadaan Madaxweyne Xasan iyo Raisulwasaare Xamze ayaa waxey qiimo liita u hurayaan dadaalo ay xin badan ka buuxdo oo ay dulqaad la’aan ugu adkeysan la’ yihiin xanuunka ay ka qaadeen iney indhahooda ku arkaan waxyaabihii u suurtoobi waayey iney wax ka qabtaan mudo xileedkoodii oo hadda suurtogal noqday mudo xileedkii ka dambeeyey, waxeyse is moogeysiinayaan xaqiiqda dhabta ah oo ay diidan yihiin, balse waxeysan hureyn iney wajahaan waxyeelada ka dhalata xinkooda.

Masuul kasta ee xilka hogaamineed qabta mariin ayaa u muuqda uu u arko inuu u maro sida saxda ah oo ay ugu muuqato hogaamintiisa, waxaana taas bedelkeeda mariin kale la imanaya hogaamiyaha kale oo mudo xileedkiisu ka dambeeyo, sidaas daradeed ayeysan u jirin hal mariin oo keliya oo saxa oo hogaaminta dalka loo maro oo uu hogaamiye kasta ku qasban yahay inuu maro, waana ciladaas mida haysta madaxdii hore oo doonaya in la maro mariinkoodii hore.

Madaxdii hore ee mucaaradka ah waxey dadaal qaldan gelinayaan iney dhagarta fashilkooda ku daboolaan sidii ay ugu qurxin lahayeen aqoongaabka ugu muuqda iney mariin habaabin karaan, iyagoo taas bedelkood u gafuur taagaya aqoonyahanka indheer garadka ah oo maskaxdoodu fahamsan tahay iftiinka uga muuqda tilaabooyinka waxtarka leh ee la qaadayo, kuwaas oo aan u jidbeysneyn dib iney ugu noqdaan mugdiga ay ka soo baxeen.

Madaxda horusocodka ah waxey gaaraan yool ay adag tahay in la gaaro, iyagoo aaminsan in gaarista yoolkaas ay ka dhex arkaan iney ku dhex keydsan tahay waxtar wanaag badan u leh ummadda, kaas oo aan u wada muuqan dadka intiisa badan, waxeyna taas soo ifbaxeedu ay shaki la’aan si cad ugu muuqan doonta dadka dhamaantiisa marka ay timaado helida ka mirodhalinta himilada ku dhex duugan yoolkaas.

Waxaa abuurista wanaagsan ee hogaamiyeyaasha astaan lama gefaana u ah ineysan hogaamintooda wanaagsan aysan ku bartilmaameysan meyd garaacida kuwa ku fashilmay hogaaminta dalka oo ah kuwo siyaasadoodu horay u dhimatay, balse ay ka muuqato iney macnodarro ku doonayaan iney soo labakacleyn ku raadiyaan mucaradeynta madaxda u dhaqankooda uga duwan yahay kooda ineysan xuquuqda iyo xoriyadda siyaasadda aysan kontrool, caburin, iyo mariin habaabin aysan ku muquunineyn.

Siyaasiyiinta leh maangalka fogaan-araga ayaa waxey rumeysan yihiin in Mudane Xasan iyo Xamze ay abuurayaan geed ay ogsoon yihiin ineysan hooskiisa harsan doonin ama aysan mirihiisa guran doonin, balse ay yihiin adeegeyaal jidka u falaya siyaasiyiinta xilka uga dambeysa oo in badan mahdin doona nafhurnimada ay u sameynayaan meelmarinta wanaajinta maslaxada ummaddooda, waxeyna hogaamiyeyaashaas lagu tilmaamaa iney yihiin kuwa sida dhabta ah u fahmsan macnaha nolosh uu Ilaahey ugu abuuray hogaaminta horumarinteeda.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Hogaamiyaha Xisbiga Dimoqaradoiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

- Advertisement -