Faahfaahin: Dagaal ka dhacay Madaxtooyada Hirshabelle & Khasaare ka dhashay

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya  iska horimaad xalay afaafka hore ee Madaxtooyada Maamulka ee Hirshabelle ee magaalada Jowhar ku dhexmaray Ciidamo kawada tirsan ilaalada Madaxtooyada.

Israsaaseyntaas waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaartay Askartii dagaalamay.

Sarkaal katirsan Ciidamada Madaxtooyada Hirshabelle ayaa qeyb ka ah dadka dhaawacmay Sidoo kale askar ayaa iyaguna dhaawacmay waxaana Geeriyooday hal askari.

Sida Wararku sheegayaan iska horimaadkan ayaa yimid ka dib ismaan dhaaf soo kala dhex galay ciidamo halkaas ku wada sugnaa kaasoo markii dambe isku bedelay gacan ka gadal

Dhowr mar oo hore ayaa sidaan oo kale Ciidanka ilaaliya Madaxtooyada Maamulka Hirshabelle ayaa isku rasaaseeyay gudaha Madaxtooyada.

 

- Advertisement -