Halista Soomaaliya ku keeni karto kursiga Golaha Amaanka ee Kenya ku guuleesatay

Tan iyo intii ay Somalia iyo Kenya isku haysteen ama uu ka dhexeeyay muranka kiiska Badda, waxa ay Kenya ku dedaalaysay sidii ay Somalia ugu heli lahayd miis ama awood ay ku carqaladayso dalka Somalia gaar ahaan qadiyada kala dhexaysa labada waddan ee kiiska muranka Badda.

Sida aad la wada socotaan taariikhdu markey aheyd 19/06/2020 ka, waxa ay dawladda Kenya ku guulaysatay xubin-nimada kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay. kaas oo ay kula tartantay dawladda Djibouti, in kasta oo ay dawladda Somalia warkeeda hore u caddaysay oo ay si toos ah iyo si dadban ba ula safatay dawladda Djibouti oo ay wax badan wadaagaan, isla markaana ay u arkaysay in ay kaga hor tagi karto dagaalka diplomaasiyadeed ee ay dawladda Kenya kula jirto dawladda Federalka Somalia gaar ahaan qadiyada Badda, Nabadda iyo Madax banaanida dalka Somalia.

Waxa aynu wada og nahay in mar kasta oo ay soo dhawaato dhagaysiga dacwada kiiska Badda ee ka dhexeeya labada dal in ay dawladda Kenya bilawdo dhaqdhaqaaqyo ay kaga hor tagayso ku dhagaysiga kiiska waqtiga loo asteeyay. Sidoo kalena waxa aan meesha ka madhnayn faragalinta waddamada shisheeye ku hayaan arrimaha dalka Somalia ee gudo iyo debadba leh gaar ahaana muranka kiiska badda. waxa ka mid ah waddamada aynu soo qaadan karnaa kuwa ugu waawayn sida; Maraykanka, Ingiriiska, iyo dalka Norway oo ah dal ka mid ah dalalka waqtigii burburkii dawladdii Somalia, dawladda Kenya la galay heshiis ku saabsan in shiidaal laga soo saaro xuduud Baddeeda Kenya iyo Somalia.

Isku day’yada guulaystay ee dawladda Kenya ku carqaladaysay dhagaysiga dacwada kiiska Badda labada dal waxa uu gaadhayaa ilaa afar jeer oo ay ugu danbaysay sanadkan aynu ku jirno ( 19/03/2020). Iyada oo sidoo kalena ay maxakamaddu sheegtay in dacwada kiiska Badda ee labada dal dib loogu dhigay sababo la xidhiidha xanuunkan dilaaga ah ee dunida saameeyay ee loo yaqaan (CORONAVIRUS DESEASE-2019), Isla markaana waa dib loogu riixay isla sanadka xiga gudihiisa oo ku astaysan 15/03/2021 ka.

Dawladda Somalia iyo dadkeeda ayaa werwer wayn ka qaba in ay dawladda Kenya xubin-nimada kursigaas u adeegsan doonto ku dhibaataynta, carqaladaynta iyo faragalinta si toos ah iyo si dadban ba muranka kiiska Badda ee ka dhexeeya labada waddan ee Kenya iyo Somalia. waana arrin ay dadka ay aaminsan yihiin badiba dadka indheer garadka ah ee falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo nabadda iyo xasiloonida qaaradda iyo geeska Africa.

Haddii ay dawladda Somalia la iman waydo xeeladdo iyo habab kala duwan oo diplomaasiyadeed, kuwaas oo ay kaga hor tagayso doonista iyo dedaalka dawladda Kenya ugu jirto hanashada Badda Somalia: waxa laga yaabaa in ay dawladda Kenya gacan sarayso waayo waxa ay ka faa’idaysanaysaa awood darida iyo saaxiibo la’aanta dawladda Somalia. in kasta oo uu dhulka Soomaalidu yahay goob strategic ah oo dawladdo badan oo heshiis hore oo shiidaal baadhis ahi u saxeexan yahay ay jiraan, isla markaana ay dusha sare kala socdaan dhaqdhaqaaqyada baddeed ama heshiis shiidaal ee ka socda dalka Somalia. sidoo kalena dadka

Soomaaliyeed waxa ay rajaynayaan in ay kaga guulaysan doonaan sanadka danbe marka la dhagaysto kiiska Badda ee kala dhexeeya dalka Kenya, Insha Allahu Tacaalaa.

Haddaba waxa aynu halka kusoo bandhigaynaa qoraal waafi ah oo wax badan kaaga iftiiminaya halka uu kasoo bilaabmay muranka kiiska Badda ee labada dal ee Kenya iyo Somalia.

Wax badan ka ogow muranka kiiska Badda ee labada dal ee Somalia iyo Kenya.

https://www.bbc.com/somali/war-47269968

W/Q: Mukhtaar Maxamed Muuse (Dawlad)

Email: mukhtaar590@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -