(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Qoor-qoor iyo xubnaha Midowga Musharaxiinta?

Madaxweynaha dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho caawa casho sharaf ugu sameeyey xubnaha Midawga Musharixiinta xilka madaxtinimo ee dalka.

Kulanka ayaa wuxuu hordhac u yahay kulamada guud ee looga arinsanayo  arimaha doorashooyinka.

Sidoo kale, Waxaa laga wada hadlay dadaalada Beesha caalamku ugu jirto qabsoomida Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo ku soo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021.

Waxaa ka qeybgalay kulanka Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -