Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Madaxweyne Muuse Biixi oo la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku tagay dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo qasriga madaxtooyada Jabuuti ku qaabiley.
 
Labada Madaxweyne kulan muhiima oo ay yeesheen kaga wada hadlay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dhinac iyo isu-socodka arrimaha bulshada. Waxa kale oo kulankaasi lagu soo qaatay sidii horeba ay labada dhinac isaga kaashan jireen ka war haynta iyo la socodka arrimaha nabadgelyada mandaqada.
 
Safarka Madaxweynaha maamulka Somaliland iyo weftigiisu ay ku joogaan Dalka Jabuuti ayaa ah safar shaqo oo qaadan doona maalmo, waxa ayna booqan doonaan xarumo dowladeed iyagoo sidoo kale la kulmi doona masuuliyiin kale.
Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa marar badan safarkan oo kale ku tagay dalka Jabuuti, waxaana dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Geelle kamid tahay dowladaha taageera in wadahadlaan Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

                                                                                                                              Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamse Barre oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada oo arrimo muhiim ah looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Guddoomiye Mursal oo Magaalada Ankara kula kulmay dhigiisa Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo ku amaanay Tina Intelmann doorkii shaqo ay Soomaaliya ka qabatay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---