Dayuurado caalami ah oo ka baaqday garoonka Aadan Cadde & DF oo ka hadashay

Diyaarado dhowr ah oo duulimaadyo ku tegi lahaa garoonka Aadan Cadde International Airport ee Muqdisho ayaa maanta ka baaqsaday ka dib markii digniin amni ay ka soo baxday safaaradda Maraykanka ee Nairobi.

Safaaradda ayaa sheegtay inay halis ku wajahan tahay dhowr goobood oo Muqdisho ah oo uu ka mid yahay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Axmed Jaamac Cumar ayaa sheegay in aysan jirin wax digniin ah oo ay soo saartay dowladda Soomaaliya. Waxa uu sheegay in diyaaradaha qaarkood ay yimaadeen magaalada.

Dayuuradaha baaqday ayaa waxaa ka mid ah Turkish Airlines, Qatar Airweys, Fly Dubai iyo Ethiopian Airlines kuwaasoo duulimaadyo maalinle ah ku iman jiray Muqdisho.

Axmed Jaamac Cumar ayaa intaas ku daray inuusan garaneynin sababta ay u baaqdeen dayuuadahan, aysana jirin wax khatar ah oo ka jirtay garoonka dayuuradaha Aadan Cadde.

Dowlada  Mareykanka ayaa digniin ka bixisay weeraro argagixiso oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah maanta

Mareykanka ayaa sheegay inuu helay xog sheegeysa in weeraro Argagixiso ay ka dhici karaan Muqdisho, gaar ahaana goobaha kala ah, garoonka dayuuradaha, dekedda, koontaroolada, xarumaha dawladda, hoteelada, makhaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee ay isugu yimaadaan ajaaniibta reer galbeedka ah iyo shacabka.

Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho, oo baahisay warbixintan digniinta ah ayaa sidoo kale shaqaalaheeda u dirtay wargelin ay ugu sheegayso in la joojiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyada safaaradda berri oo Talaado ah 9 April, mana jirto cid ka bixi karta ama soo geli karta dhismaha safaaradda

- Advertisement -