Puntland oo Eedeyn culus u jeedisay Dowlada fedeeraalka Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada maamulka Puntland ayaa looga hadlay arimo kala duwan, waxaana intii shirkaasi socday golaha Wasiirada Puntland  eedeyn culus u jeediyeen dowlada federaalka.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Dabaraani oo kulanka golaha Wasiirada kadib Warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeyay in dowlada federaalka Soomaaliya Puntland ku wado dagaal dhanka Waxbarashada ah.

Waxa uu sheegay Afhayeenka Puntland  in Wasaarada Waxnarashada Xukuumada federaalka Soomaaliya  ay diiday in shahaadooyinka siiso ardayda reer Puntland ee ka baxay Dugsiyada sare.

” Puntland meelihii ay wada-shaqaynta kala lahaayeen xagga waxbarashada ayay waraaqado ay ku hor istaagayaan u direen, waxaana ka mid ah dalka Masar, dhawaana arinkaas darteed halkaas waxaa u tagay wasiirka waxbarashada Puntland si arimahaas wax looga qabto, dhaqamada noocaas ah waa kuwa muujinaya in lala dirirayo Puntland dhinaca horumarka waxbarshada” Ayuu yiri Afhayeen Jaamac

Afhayeenka ayaa sheegay in talaabadan dowlada qaaday uu baalmarsan yahay Dastuurka DFS iyo heeshiisyadda ay horay u gaareen dawlada dhexe iyo maamulada, waxa uuna tilmaamey in cawaaqib xumadda ka dhalata ay qaadan doonaan hogaanka Dowlada.

Eedeyn kasoo yeertay maamulka Puntland ayaa kusoo aadaya xili uusan wanaagsaneyn xiuriirka ka dhaxeeya dowlada federaalka iyo maamulka Puntland, waxaana khilaafka labada dhinac saameyn ku yeeshay shacabka Puntland.

- Advertisement -